2021|football Tournament
Somali Independence Day Festival
Somali Independence Day Festival.docx
gt involved
previous arrowprevious arrow
next arrownext arrow

Bandhigii 61aad ee Maalinta Xorriyadda Soomaaliya.

Ururka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Queensland (SCAQ) wuxuu soo bandhigayaa
Bandhigii 61aad ee Maalinta Xorriyadda Soomaaliya.
Ujeeddada munaasabaddan ayaa ah in loo dabbaaldego maalinta xorriyadda Soomaaliyeed lana soo bandhigo dhaqankeenna iyo taariikhdeenna.

Munaasabada waxaa ka soo qeyb galaya dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan sida odayaasha, dhalinyarada,urarka haweenka, caruurta,aqoonyahanno, hoggaamiyeyaal bulshooyin kale ka soo jeeda.  barnaamijyo badan  ayaa loo abaabulay oo u qof kasta ka qayb qaadan karo.

  • Bandhiga dhaqanka, 
  • Tartan Kubadda Cagta
  • Qalabka Carruurtu ku cayaarto oo BILAASH AH
  • BBQ
  • Rinjiyeynta wajiga,
  • Cunto dhaqameedka Soomaalida iyo qaar kaloo badan.

Waxa qofwalibo laga codsanaya in u ka soo qayb galo xalfadani an ku maamuseena xurnimada dalkeena somaliya
Dhamaan dadka kaqeybgalaya, waa inaad kala soo baxataa barnaamijka Check Check in QLD.
Si aan ugu hortagto faafinta  cabuqa  korono virus  waxa qofwalibo laga codsanaya in raaco dhamman astaamaha   ka hortaga caabuqa.

Fadlan soo dejiso barnaamijka ‘Check in Qld’ Google Play Store ama Apple App Store.
Barnaamijku waa mid bilaash ah

Faahfaahinta Dhacdada:

Taariikh: Sabti 07 Ogosto 2021

Waqtiga: 10:00 am-5: 00pm

Goobta: Xarunta Isbaanishka, Dhismaha Isboortiga Acacia Ridge
Cinwaanka: 174 Mortimer Rd, Acacia Ridge QLD 4110

 

Ma u baahan tahay macluumaad dheeri ah? fadlan soo wac.

Maamulaha Xalfada
Faysal Axmed
0432015936

 

Maareeyaha Tartanka Ciyaaraha
Axmed Cabdullaahi
0422241850

 

Branmikani waxaa taabo galiyey

  1. Dawlada Queensland
  2. Golaha magaalada Brisbane
  3. YMCA Acacia Ridge
  4. QACC
  5. Master Remit

Haddii aad rabto xalfada inaad cunto ku iibiso iiyo i.w.m waxa qaybta hoose ku qoran sharuudaha laga rabo qofwalibo.

Waad ku mahadsan tihiin dhammaantiin inaad nagala soo qaybgashaan Dabaaldegga Maalinta Xorriyadda Soomaaliyeed ee 2021.  
Halkan waxaa ku qoran macluumaad Muhiim ah. 

Shuruudaha Cunnada
dhammaan meheradaha cuntada waa IN ay u hoggaansamaan shuruudaha shatiyeynta
Ku-Meel Gaarka ah ee Golaha Magaalada Brisbane isla markaana ay racaan tilmaamaha Qabashada Cuntada ee Amniga ah.  
Cunto lagu karindoona goobta –  
Waqti walbo waxa qasab ah in la isticmaalo qaboojiye  si loogu kaydiyo cuntada Gaar ahaan hilibka ceyrinka ah  
Cunto lagu kariyey goobta
isla markiiba waa in la bixiyaa ama kuleeliso lagu hayo .  
Caymiska Mas’uuliyadda Dadweynaha –  
dhammaan milkiilayaashu shahaadooyinka caymiska (Public Liability Insurance)waa in la soo diyaariyo  ka hor xalfada.  
Waqtiga la imanayo Goobta Xalfada  –  
heystayaasha dukaanada waxay ay  baabuurta la soo gali karaan goobta  laga bilaabo 7da subaxnimo ilaa 9:30 subaxnimo. Gawaarida oo idil waa in ay ka baxaan goobta xalafada   10:30 am subaxnimo. Gawaarida waxa ay kusoo noqon doonan goobta 4:30 galabnimo, kuwa haysta dukaamada waxaa si xoog leh loogu dhiirrigelinayaa inay firfircooni mujiyaan illaa 4:30 pm  

Shuruudaha Badbaadada Marquee (teendho)
dhammaan iibiyeyaashu WAA IN ay keenan miisaanno ay ku qabsadaan astaamahooda. Marquees-yada (teendho) aan miisaan lahayn waxay noqon karaan kuwo aad khatar u ah. 
Korantooyinka
Dhammaan waxyaalaha korantada WAA IN la tijaabiyo lana calaamadeeyo.
Tixgelinnada Deegaanka
dhammaan iibiyeyaashu waxa laga codsanaya inay yareeyaan isticmaalka caagagga oo ay doortaan waxyaalo kale oo  badan oo deegaanka u habboon.  Qaab dhismeedka goobta iyo Goobaha uu qofwalibo dhigayo Alaabtiisa-
macluumaadkan waxaa lagugu siin doonaa khariidad (map) goobta ka hor xalfada . 
Bixinta khidmadaha istaandarka –
fadlan bixi khidmadahaaga kahor xalafada. Waxaan kuu soo diri doonaa qaansheegta (invoice) waqti yar ka dib , oo leh macluumaad ku saabsan habka lacag bixinta.  
Mutadawiciinta (volunteer)
ayaa kaa taageeri doona inaad heshid booskaaga markii aad timaaddo.   Ruqsadaha cuntada waa in la bixiyaa kahor Xalfada – Waxa qofwalibo laga codsanaya in ay racaan tilmaaha  aan kor kusoo xusnay . 

Mahadsanidiin